Labo Oday iyo Doon: Sheeko Gaaban








Waa galab, waqti labo saac maqribka ka dhiman yahay. Qoraxdu waa gaaban tahay, inkastoo iftiinkeedu uu weli aad u joogo. Kulaylkii badnaa oo qoraxda waa yaraaday, dabayl macaan oo aad uqaboobeyn, ahna mid loo yaqaano neecaaw, baana socota.
Hurdogaabka, amabase waxay Talyaanigu dhahaan siesta, wax ka macaan waqtigaas malahan.
Labo oday, oo waliba ah kuwo waayeelnimadoodu aysan ahayn inta sano oo ay jiraan oo kaliya, baa jiifa. Waxay ku wadajiifaan doon—waliba si iskudhinac ah, inkastoo ay kalajeedaan—doontaasoo saaraan Badweynta Hindiya.
Hadaad indhaha isku qabatid, adoo meeshaas jooga, waxay u badan tahay inaad waxyaabo badan dareemaadkaagu uu ku solansiiyo. Sankaaga, tusaale ahaan, in carafta baddaas—caraftaas oo ah mid isugu jirta kaluumaat iyo cusbo—uu aad ugu carafsado.
Dhagahaaga waxaa laga yaabaa in baqalyowga meeshaas kaa fog ku duulaya, ayagoo hoos soo fiiranaya in ay wax quud ah arkaan daraadeed, aad si saas u dheereen ka maqashid.
Jirkaaga waxay u badan tahay in dabayshaas neecaawga kuu keentay biyo yaryar ku soo gaarsiiso. “Xaax!” baaba laga yaabi lahaa inaad dhahdid, hadii aad soo jeeddid.
Hadii aadse huruddid, sida odayaashaas, waxaaba laga yaabaa inaad waxaas oo dhan aadan ka warqabin.
Labadaas oday hurdo dheer baa heshay.  
Riyo buu mid walbana ku jiraa.

Mid riyadiisu waxay u qaaday badda gudaheeda. Wuu dabaashay, oo uu dabaashay, oo waliba si dheer u dabaashay. Markuu dabaashay cabaar, oo daalna soo dhawaaday, ayuu meel fog wuxuu ka arkay dahab.
Sidee dahab badda ugu jiraa? buu ku fakaray, oo iswaydiiyay, inkastoo dahabkii si fiican u soo dhawaanaayay.
Xoogaa ka dib waxaa u muuqatay in dahabka uu ku jiro afka kaluun weyn; kaluunkaas oo loo yaqaano libaaxa badda. Ka dib markuu soo dhawaada yna wuxuu arkay in dahabku uuba aheyn mid libaaxbaddeedka ka baxsan; wuxuu arkay in dahabka uu yahay ilkahiisa.
See libaaxbaddeed ilko dahab ah u lahaan karaa?
Libaaxbaddeedkii aad buu ugu soo dhawaaday, kadibna dhaafay, oo hadana soo laabtay. Wuu ku soo wareegay, asagoo afkii marna xiraya marna furaya. Markuu afka furo, qoraxda iftiinkeeda oo afkiisa ku dhacaysa ayaa badda oo dhan iftiin galinaysa. Markuu afkiisa xirtana badda oo dhan mugdi baa galeya.
Markuu dhow jeer sidaas uu ugu soo wareegay, ayuu odaygii tuurta libaaxbaddeedka qabsaday. 
Kaluunku ma’uusan ladagaallamine wuu sii qaatay odaygii, si waliba aad isleedahay farax baa ku jira.
Odaygii, oo farax iyo baqdin u dhexeeya, ayaa la sii dabaashay kaluunkaas.
Cabaar markuu odaygii tuurtii sii heystay, baa libaaxbadeedkii xoogaa isi sii hooseeyay—si uu ula simnaado odayga lugahiisa. Markaasaa odaygii koray kaluunka, sida qof faraska u koro.
 Way isla dabaasheen, oo isla dabaasheen… 

Odaygii kale riyadiisii waxay geesay lamadegaan, amase waxay Carabtu dhahaan saxraa, lamadegaankaas oo qalalan. Meel kasta oo uu fiirshay, asagoo waliba indhaha sii yareenaya si uu si fiican u arko, lamadegaankii unbaa meel kasta ay ku sugnaatay. 
Hal geed kumayaalo, biyana majiraan, qoraxduna aad bay u kulushahay.
Wuu yaabay odaygaas. Yaabkii uu yaabay baa ku kalifay inuu indhahiisa uu hoos u dhigo. Markaasuu wuxuu arkay hoos ubax ah oo u dhow. Dhinaca kale buu eegay, oo taasna tustay hoos ubax ah mar kale.
Oo ubaxaas meeyay? buu iswaydiiyay.
Su’aashaas markay maskaxdiisa ku soo dhacdeyba waxaa u soo uray ubax. Urkii ubaxaas wuxuu noqday mid uuba iloowsanaa, inkastoo uu ahaa mid noloshiisa ka mid ah. Ma’uusan xasuusan hal ilbiriqsi oo uusan urkaas ka mid aheyn jiritaankiisa.
Wuu yaabay odaygaas. Yaabkii uu yaabay baa ku kalifay inuu indhahiisa uu kor u dhigo. Markaasuu wuxuu arkay jirrid cagaaran oo dheer. Indhihii buu la sii raacay, markaasuu wuxuu arkay inuu taagan yahay ubax aad u qurux badan hoostiisa.
Maya, buu ku fakaray, anigaaba ah ubaxa!

Oday walba sidaas buu riyadiisii u sii watay. Midna libaaxbaddeedkii ilkaha dahabka lahaa buu sii raacay, oo meel sii fog oo sii fog sii aaday, midna ubaxii udgoonaa buu sii udgooneestay.
Qoraxdii waa sii yaraatay, iftiinkeediina waa sii yaraaday, neecaawgii macaanaana wuu sii macaanaaday.
Sawaaxiligaa waxay ku maahmaahaan Kama u mbaya, jifunze kuimba, oo lagu macneyn karo, “Hadaad si xun dareemaysid, baro hees,” oo xigmaddeedu halkaan aan loogu soo koobi karin.

WQ: Afdhere Jama

Comments