Dalmar: Sheeko Gaaban


Aduunku, bay dhahaan dadka qaarkood, waa shan casho iyo wixii la mid ah. Balse, runtii, waxa ay san dadkaas arkin mid la yiraahdo Dalmar.
Haday Dalmar arki lahaayeen, iska dhaaf bal in ay yaqaanaan e, waxaa laga yaabi lahaa in ay san waxaas iyo wax la mid ah waligood aamini lahayn.
Marka aad aragtid wajigiisa, oo shan iyo labaatan astaan oo nabaro iyo xagtimo ay noloshu sidii farshan ugu soo manaysatay, waxaad ba isdhahaysaa kan waa mid taariikhdii aduunka oo dhan wajigiisa looga tagay.
“Maya,” buu kuugu jawaabi lahaa se, asagoo laga yaabo in uu qosol kuugu daro, “Waxaan ahay mid soo noolaadday.”
War ilaahay amarkiisu badanaa.
Dalmar wuxuu dhashay 1968dii, sideed sano ka dib markii dadkiisu gumeystihii ay ka guulaysteen. Wuxuuna dhashay maalin Arbaco ah, wiigaas kala barkiisa, oo ahayd maalintii 17aad ee bisha Abril.
Hadii laga yaabo in aad tahay mid ka mid ah qolooyinka xidigaha raaca, amaba se waxay gaalladu Ingiriiska ku dhahaan astrology, amaba se wixii Carabtu dhihi jireen cilm ul tanjiim, amaba se wixii awooweyaasheen dhihi jireen falaga, waxaad ogaan lahayd in taas macnaheedu tahay in uu yahay Kacoow, amaba se waxay dhahaan Aries luuqaddaas Ingiriiska, amaba se waxay Carabtu dhihi jireen Burj ul Xamal.
“Xagee ku dhalatay?” bay habartii waydiisay, ayadoo indhaheedii aadba moodid in ay wiilkaas ka dhex bixi rabaan, markuu shan sano jiray.
“Liido,” buu yiri, asagoo baqaya.
Ceeblo, habartaas falaga ka warranta, cayaalka oo dhan way ka baqi jireen. Wajigeeda ma ahan mid saas uga duwan dumarka ay yaqaaneen, laakiin indhaheeda—koleey markay saas kuu fiiriso adigaaba ka baqi lahaa laftigaaga.
Markuu jawaabtii siiyay bay indhaha isku qabatay. Cabaar bay aamusnayd. Wiilkii yaraa sidii buu u sii fiirshay, asagoo iswaydiiyay waxay indhaha isugu qabatay.
Markaasay indhihii kala furtay.
“Dhulbaraha baad waqooyiga ka jirtaa,” bay si dhaqso leh u tiri, ayadoo warkeedii sii wada, “Marka waa in aan kii Reer Galbeedka kuu sheegaa,” bay ku dartay, “Waxaad tahay Kacoow, astaanka ugu horeeya falaga. Kacoowgu waa midka Qoraxdu ugu jeceshahay…”
Calaa kuli xaal, habartaas maskiinkii yaraa sidii bay bool uga riday.
Maalintaas, markuu guriggiisii tagay, hooyadiis wuxuu ku yiri waxaan ahay Kacoow. War bal Kacoow hooyo Soomaali maxay ka taqaan? Istustus iyo halagaa sheego baa ka soo hartay kii yaraa. Cayaalkii xaafadda oo dhan wuxuu u sheegay in uu yahay mid Qoraxdu jeceshahay.
“Iftiinkoo dhan baa kaa qaadaa,” buu ku yiri Raaxoow, oo ahaa mid labo sano ka waynaa.
Nabarka ugu wayn oo wajigiisa maanta ku yaal, kaas oo ah jeex sunniggiisa bidixda korkiisa ku yaal, buu maalintaas Raaxoow uga tagay.
Dhiig meel walba.
Hooyadiis oohin.
Dhaqtarkii teetano dawo lagala-hortago buu ku dhuftay, oo ilayn mindi mirartay baa lagu jeexay e, markaasuu dhaqtarkii hooyadii ku yiri dhibkiisa yaree haddaad rabtid kan in uu noolaado.
Boohin lee ahaa.

WQ: Afdhere Jama

Comments